Soomaaliya oo si rasmi ah ula soo wareegtay Maamulka hawadeeda

1057

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad lagu daahfurayay xarunta laga Maamullayo hawada Soomaaliya 27 sano kaddib.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay wehliyaan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf , Wasiirka Duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa si rasmi ah xarriga uga jaray xarunta cusub ee laga maamullidoono hawada Soomaaliya laga bilaabo maanta.

Xafladda xarigga looga jarray xarunta cusub ee hawada Soomaaliya oo laga dhisay gudaha gediga diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ka qeybgalay, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xilhibaanno, our marti sharaf kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tahay maalin taarikhii ah oo Soomaaliya din u soo ceshatay Maamulka hawada 27 kaddib. Madaxweynaha ayaa u mahaceliyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada sida uga qaatay kaalin mugleh oo celinta Maamulka hawada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Hey’adda ICAO oo maamulisay hawada Soomaaliya muddo 27 sanno  ee fadhigeedu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiirka Duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in qalabka xafiisyada dib loogu hawlgelinayo Maamulka hawada Soomaaliya ay yihiin kuwo casri ah.

Maamulka hawada Soomaaliya ayaa waxa ugu dambaysay in Muqdisho laga Maamulo 1991 oo ahayd markii ay dhacday Xukuumadda militariga Soomaaliya, Iyadoo wixii intaas ka dambeeyay magaalada Nairobi loo wareejiyay halkaasi oo ay ku maamulisay Hey’adda ICAO ee hoostagta Qaramada Midoobay.

Soo celinta Maamulka hawada Soomaaliya ayaa wax badan ka beddeli doonto la soco hawada iyo arrimaha Maamulka hawada Soomaaliya  (Civil Aviation Authority ) taasi oo u sahlaysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay dhaw ula socoto diyaaraha isticmaalaya ama ku soo xadgudba xadka hawadeeda.

Ummadda Media Online