Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dallka Kenya ayaa qoray in booliiska Soomaaliya ay dhigooda Kenya u gacangaliyeen laba shakhsi oo la tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin Alshabaab.
Labada shakhsi oo lagu kala magacaabo Faarax Axmed Sumbul(Faragon) iyo Mahat Daar Khaliif ayaa la tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen weerar miino oo 12kii bisha October ka dhacay deegaanka Libooyo ee Kenya .Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 11 askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Kenya.
Booliiska Kenya ayaa sheegay in raggaan loo gacangaliyay 11 subaxnimo maalintii arbacada, iyada oo loo qaaday magaalada Gaarisa si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.
Markii ciidanka loo gacangaliyay ayaa midkood waxa uu watay qori AK47 ah iyo 11 xabo oo ay lahaayeen ciidanka Kenya taas oo tilmaameysa in qoriga laga furtay ciidankii dhintay.
Midka kale ayaa watay isla qori AK47 ah ay Soomaaliya leedahay iyo shan qasnad iyo 117 xabo. Eedeysanaha kale ayaa watay qori AK47 oo ay afar xabbo ku jirto iyo bistoolad ay wehliyaan shan qasnad iyo 40 xabbo.
Ciidanka Kenya ayaa sheegay in raggaan marka ay falka geysteen ay Soomaaliya u baxsadeen. Ilaa iyo markaana ay kudaba jireen ciidanka Kenya.
Qabashadooda ayaa timid kaddib markii booliiska Kenya ay heleen raad tilmaamaya in ninka weerarada ka masuulka ah uu ku noolyahay Soomaaliya. Cabdullahi Banati oo ku biiray ururka Alshabab sanaddkii 2012 ayay booliiska Kenya rumeysanyihiin in uu masuul ka aha weerada oo marar kale geddisan uu ka qorsheyay xerada qaxootiga Dhadhaab.
Ninkaan ay sida weyn u doondoonayaan booliiska Kenya ayaa ka hawgala deegaanada xuduudda Kenya iyo Soomaaliya. Booliiska ayaa wali ku daba jira Cabdulahi Banati oo mar la sheegay in 2018 la dilay , hase ahaatee dib usoo muuqday mar kale.
Taliyaha booliiska Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Paul Soi ayaa sheegay in wali baaritaankii uusan soo dhammaan oo dib looga warbixin doono.
Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro ka geystay gudaha Kenya tan iyo intii ciidanka Kenya uu gudaha u galay Soomaaliya sannadkii 2011.