Soomaaliya oo ku guuleysatay dib u eegistii 1-aad ee Barnaamijka “ECF” ee IMF

90
Coronavirus 'wuxuu baabi'iyay dhaqaalaha Soomaaliya'. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh. Sawirka: Facebook Wasiir Beyleh.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saaray dib u eegistii Koowaad ee kaalmada gaarka ah ee Barnaamijka ECF loo soo gaabiyo.

War qoraal ah oo ka soo baxay IMF ayaq lagu in hawlwadeeno ka socda Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ay wadahadallo dhanka khadka internet-ka ah la yeesheen masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 12-22 bisha September, 2020. Kulanka dhanka khadka internetka ah ayaa ujeedkiisu ahaa dib u eegista koowaad ee barnaamijka  dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo  lagu taageero hannaanka kaalmada dhaqaale ee dalalka deymaha lagu leeyahay.

Hey’adda IMF ayaa sheegtay in horraantii sanadka 2020 Soomaaliya ay soo food saareen musiibooyin kala duwan sida daadad, ayax iyo cudurka dunida dhan saameeyay ee Corona Fayras. IMf ayaa sheegtay in arrintani ay sii adkeysay xaaladaha bini aadanimo iyada oo si aan wanaagsaneyna saameyn ugu yeelatay dhaqaalaha iyo awoodda dowladda ee soo saarista dakhliga gudaha.

IMF waxa ay sheegtay in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay qaadeen tallaabooyin dhowr oo wax looga qabanayo saameynta dhibaatooyinkaas ay ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed iyo dhaqaalahaba. Dadaaladaan ayaa waxaa xoojiyay taageero muhiim ah  ee ka  timid beesha caalamka, waxaana ka mid ah qafiifin kooban ee canshuurta badeecadaha daruuriga ah, habka kaalmeynta dadka dhaqaale ahaan jilicsan  ee Baxnaano iyo adeegtada gargaarka dhaqaale ee Gargaaro ee ganacsiyada  yaryar  iyo kuwa  heer dhexe lagu maalgellinayo, sida ay sheegtay IMF.

Hey’adda IMF ayaa warka qoraalka ah ee ka soo baxay ku sheegtay in dakhliga canshuuraha gudaha ee dowladda ee bishii June uu gaaray 99 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, halkii laga filayay in uu gaaro 109 milyan oo Dollar.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh oo warbixinta Hey’adda IMF soo dhaweeyay ayaa sheegay in ” Soomaaliya ay ka gudubtay dib eegista imtixaankii kowaad oo ah Barnaamijka Kaalmada Gaar ah ee ECF” ee dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka si loo gaaro yoolalalka la harsan deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in xanuunka Corona Fayras samayn wayn ku yeeshay dakhliga gudaha iyo aruurinta canshuuraha. Wasiirka Beyleh ayaa sheegay iyadoo saamayntaas jirto in haddana dowladdu dakhliga gudaha ay horumar ka samaysay.

“Waxaa si guul ah inoogu soo idlaaday dib-u-eegidda Barnaamijka ‘ECF’ oo ay inoo suuro gashay in aan ka gudubno wajigiisii 1aad”. Ayuu yiri Wasiir Beyleh.

Hey’adda IMF ayaa ku bogaadisay dadaalada ay waddo dowladda Soomaaliya si ay heshiis deyn cafinta u la gaaraan deyn bixiyaasha caalamiga ah si deymaha loo cafiyo si waafaqsan habka HIPC ee deyn cafinta.

SHARE