Soomaaliya oo korjoogayaal u dirtay dalka Kenya

177

Goob joogeyaal ka socda beesha caalamka iyo dalalka deriska la ah Kenya ayaa gaadhay dalkaas si ay ula socdaan sida ay u qabsoomayso doorashada dalka ka dhici doonta maalinta berri ah.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay ka yimaadeen goob joogeyaashaas la soconaya sida ay doorashu u dhici doonto, waxaana ka mid ah kuwa ka socda Soomaaliya Xuseen Cabdi Aadan.

Doorashada guud ee dalka Kenya ayaa waxaa ay dhici doontaa maalinta barri oo ay taarikhdu ay tahay 8-da  bishan August waxaana dalkaasi Ku sugan korjoogayaal caalami ah kuwaasi oo dusha kala soconaya habka doorashada ay u dhacayso.

 

SHARE