Jabuuti – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku tagay dalka Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka, amniya iyo Iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in labada madaxweyne ay lafo-gureen arrimo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka.
Jabuuti ayaa tartan ugu jirtaa in ay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin aan joogto ahayn ka noqoto. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.