Soomaaliya oo ka mid noqotay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay

77

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xubin ka noqoshada guddiga xaquuqul insaanka Qaramada Midoobay saddexda sano ee inagu soo fool leh kadib markii 18 dal oo ay ka mid tahay loogu codeeyay ka mid noqoshada Golohani.

Wasaaradda arrimaha Haweenka iyo xaquuqul insaanka  ayaa sheegtay in kursigan uu dadaal badan ku bixiyay wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Abukar Daahir Cismaan.

Xubno ka kooban 193 ayaa doorasho u sameeyay 18 xubnood oo cusub iyadoo loo marayo qaab  qarsoodi ah waxana wadamada ay u baahan  yihiin ugu yaraan 97 cod si loogu doorto golaha.

Dalalka Afrika ee ku guuleystay xubinimada Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa ahaa shan dal waxaa ka mid ahaa Burkina Faso, Cameroon, Eritrea, Togo iyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa heshay 170 cod oo ka mid ah 193 dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobey, waxaana ay ka mid noqotay 5 dal oo Afrikaan ah oo ka mid ah 18-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey.

SHARE