Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warqad ay ku caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan xiisadda ka dhalatay wariye Sucuudiga u dhashay oo la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Soomaaliya ayaa garab istaagtay boqortooyada Sucuudiga oo wajaheysa cadaadis caalami ah, kaddib markii lagu eedeeyay in Sucuudigu uu qunsuliyadiisa dalka Turkiga ku dilay wariye lagu magacaabo Jamaal Kashoogi.
Warqadda oo ku qorneyd afka Carabiga laguna baahiyay barta Twitterka ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay caddeeneyso mowqifkeeda sugan oo ay ku taageereyso madaxbannaanida wadamada Carabta. Waxay dawladda Soomaaliya garab taagantahay dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga, iyada oo ku lidi ah kana soo horjeedda cid kasta oo wax u dhibeysa danaha dhaqaale ee dalka boqortooyada Sucuudiga ayaa laguy yiri warqadda.
تؤكد #جمهورية_الصومال_الفيدرالية على ضرورة الابتعاد عن المكايدات والحملات المغرضة ضد #المملكة_العربية_السعودية الشقيقة.https://t.co/55kGg7A83G🔗➡️#الصومال #صومالي #السعودية #سعودي pic.twitter.com/094671K3jT
— Ministry of Foreign Affairs 🇸🇴 (@MOFASomalia) October 15, 2018
Dawladda Soomaaliya waxay ku baaqeeysa in laga dheeraado ololaha iyo wax kasta oo waxyeeleenaya madaxbannaanida iyo dhaqaalaha dalak Sucuudiga.
Warqadda isbarbar taagga ah ayaa imaaneysa iyada oo dalka Sucuudiga uu wajahayo cadaadis caalami ah oo ka dhashay maqnaashiyaha wariye u dhashay dalkaas oo marar badan la sheegay in lagu dhex dilay qunsiliyadda dalka Turkiga.
Dhawaan ayuu dalka Maraykanku sheegay in ay suurogal tahay in uu cuno qabateeyn dhaqaale kusoo rogo dalka Sucuudiga, arrintaas ayaa keentay in Sucuudigu uu si adag uga falceliyo iyaga oo ku goodiyay in ay tallaabo u dhiganta qaadi doonaan haddii laga dhabeeyo cunaqabateynta.