Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17ka sano ayaa galabta u soo baxay cayaarta kama dambaysta ah ee koobka CECAFA U17 ee ka socda Burundi, ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Uganda oo ay Semifinalka wada ciyaareen.
Xulka Soomaaliya ayaa goolka ay guushu ku raacday waxaa u dhaliyey daqiiqaddii 70aad ee qaybtii labaad ee cayaarta Farxaan Maxamed Axmed oo qaata lambarka 11aad, cayaar ka dhacday magaalada Gitega.
Cayaarta kama dambaysta ah ayey Soomaaliya la yeelan doontaa Tanzania oo iyadana 2-1 uga soo badisay Kenya, 29-ka Abriil oo ku beegan Axadda.
Xulka qaranka ee Soomaaliya ayaa hore uga soo baxay guruubka ay ku jireen kaalinta 1aad, ka dib markii ay 1-0 uga soo badiyeen Kenya oo iyadana kaalinta 2aad ku soo baxday.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiiradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee Soomaaliya oo BBC u warramaysay guushaas ka dib ayaa tiri “waan u hambalyeynayaa dhallinyarada xulka qaranka Soomaaliya, abaalmarin ayeyna leeyihiin xataa haddii aysan koobka qaadin”. Waxay sheegtay in haddii ay koobka qaadaan ay abaalmarin qiime badan guddoonsiin doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Waa guushii ugu horraysay ee nooceeda ah ee uu gaaro xul qaran soomaaliyeed muddadii ay Soomaaliya burburka ku jirtay.
BBC Somali