Soomaaliya oo erisay Safiirkii Kenya una yeertay safiirkeeda

751
Maxamed Cali Nuur Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Soomaaliya.

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay u yeertay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyadoo Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas Tumbo ay fartay inuu la tashi ugu laabto dalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay in dowladda Kenya ay si barreer ah u faragelinayso amuuraha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam si uu u fuliyo qorshaheeda ku aadan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiska Siyaasadeed ee Doorashooyinka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay ku gaareen 17kii September 2020ka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo i gudnaysaa waajibaaka ka saaraan ilaalinta Madax bannaanida dalka, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, kana xun faragelinta qaawan ee arrimaha gudaha dalkeenna ee ay caddeysatay Kenya taasoo dhibaato ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka. Waxa ay go’aansatay in ay wadatashi ay ugu yeerto Safiirkeeda u fadhiya dalka Kenya, sidoo kale dowladdu waxa ay go’aansatay oo la faray Safiirka Kenya ee Soomaaliya inuu dalkiisa uu watashi ugu laabto”. Ayaa yiri Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur oo Warbaahinta ka hadlay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin in arrimaheeda gudaha Kenya ay soo farageliso ama lagu dhaqaaqo falkasta oo wax u dhibaya madax bannaanida iyo deganaasha dalka.

“Dhaqamada Kenya waa kuwo ka baxsan curfiga diblomaasiyadeed ee dalal ay ka dhexeyso dano iyo darisnimo waa dhaqan ka baxsan dhammaan axdiyada iyo heshiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiha ah sidaa daraadeed waxaa la tashi ugu yeeranay Danjire Maxamuud Axmed Tarsan oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, waxaana la farayaa Danjiraha Kenya fadhiya dalka Soomaaliya Lucas Tumbo inuu dalkiisa watashi ugu laabto. Dowladda Federaalka Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in la soo farageliyo ama lagu dhaqaaqo falkasta oo wax u dhibaya madax bannaanida iyo deganaasha dalkeenna”. Ayaa lagu xusay War-Saxaafadeedka.