Soomaaliya oo deeqdii saddexaad oo agab caafimaad ah ka heshay Turkiga

563
Diyaarad militari oo nuuca xamuul ka ah oo Turkigu leeyahay oo kaalmo caafimaad soo keentay Muqdisho. Sawirka: Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Muqdisho – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta ka guddoontay deeqdii saddexaad oo kaalmo caafimaad ah taasi oo ka timid dowladda Turkiga oo lagu soo gaarsiiyay Muqdisho labo diyaaradood milatari oo kuwa xamuulka ah si loo taageero dadaalka looga hortagayo, laguna xakamaynayo xanuunka Corona Fayras.

Soomaaliya ayaa kaalmo agab caafimaad oo wax looga qabanayo Corona Fayras ka kala heshay bisha cas ee Turkiga 17 April, Dowladda Turkiga 2 May, iyo maanta oo ah 4 May oo ay la wareegtay shixnado ay iska kaashadeen Dowladda Turkiga iyo hey’adaheeda oo ay ka mid tahay TİKA.

kaalmooyinka agabka caafimaad ah ayaa waxaa wareejiyay Ozan PEKİN, Safiir ku xigeenka Turkiga iyo Galip YILMAZ, iskuduwaha barnaamijyada TİKA ee Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa agabkaasi dharka isku-joogga ilaalinta leh oo uu wehliyo ookiyaale, qalabka gacmaha la gashto iyo maaskarada afka lagu xirto.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa 100 sariir oo loogu talogalay qeybta daryeelka degdegga ah ee Isbitaallada ee la tacaala xanuunkani oo ay ku deeqday hey’adda TİKA.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha, Dowladda iyo Shacabka Turkiga, isagoo bogaadiyay kaalmadooda caafimaad iyo garab istaaggooda Soomaaliya, waxaana uu ku nuux nuuxsaday qotodheerida xiriirka ee qadiimiga ah ee labada dal iyo labada ka dhexeeya.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay sii wadayso taageerada dhanka gaargaaka iyo dadaalada caafimaad ee siiso Soomaaliya ee wax looga qabanayo safmarka cudurka Corona Fayras.

Dadka xanuunka Corona Fayras laga helay ee gudaha Soomaaliya ayaa hadd maraya in ka badan 700 oo qof iyadoo 35 ruux ay u geeriyootay sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya.