Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciisa Cawad oo shalay ka qeyb galay Shir Madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciisa Cawad ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.
Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay shalay Madaxweynayaasha kala ah, Rwanda Paul Kagame, Kenya Uhuru Kenyatta, Djibouti Ismail Omar Guelleh, Sudan Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa Cyril Ramaphosa, Gabon Ali Bongo Ondimba, Chad Idrīs Daybī Itnū, Ghana Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco Saadeddine Othmani.
Axmed Ciisa Cawad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle.