Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula safatay dalka Sucuudiga Carabiya oo uu muran diploomaasiyadeed kala dhaxeeyo dalka Kanada.
Warqad ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay barbar taagantahay dawladda Sucuudiga oo ay diidantahay in la faragaliyo arrimaha gudaha Sucuudiga.
Faragalinta dal kale waxay xadgudub ku tahay xeerarka caalamiga ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya
Dawladda Soomaaliya ayaa rajeyneysa in labada dal Kanada iyo sucuudiga ay soo celin doonaan xiriirkooda oo ku dhisan is ixtiraam iyo wax is dhaafsi.
Hadalkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa imaanaya xilli xiriirka diploomaasiyadeed ee labada dal ee sucuudiga iyo Kanada uu mugdi galay, kaddib markii dalka Sucuudiga ay caro ka qaadeen hadal ay barta twitterka ku qortay wasaaradda arrimaha dibadda Kanada oo sucuudiga ku boorinayay in ay ixtiraamaan xuquuqda aadanaha.