Soomaaliya iyo USAID oo kala saxiixday heshiis $300 oo milyan ku kacaya (Sawiro)

1146

Dowladda Federal ka ah ee Soomaaliya ayaa   maanta oo Tallaado ah Waxaa ay heshiis malaayiin dollar Ku kacaya la saxiixatay Hay’adda dhinaca hormarinta u qaabilsan dowladda Maraykanka ee la yirahdo USAID.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta ee xukuumadda federal ka ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa dhanka Soomaaliya u saxiiay heshiiska.

Heshiiska ayaa waxaa uu Ku kacayaa $300 (Saddex boqol oo Milyan oo dollar) waxaana loogu talo galay dhinaca mashaariicda  hormarinta  ah ee dowladda Maraykanka ay ka wado Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ah kii ugu horeeyay oo oo noociisa ah oo muddo 30 sano ka badan ka dib dhexmara Soomaaliya iyo Maraykanka ama USAID.