Soomaaliya iyo Turkiga oo isdhaafsaday dhul safaaradeed

622

Istanbul – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa la saxiixday heshiis dhiggiisa dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu oo ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah.

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka dhisay dhismaha safaaradiisa ugu wayn caalamka. Turkiga ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera tababarka iyo dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliyeed.