Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday mashruuc lagu dhisayo biyo xireenka Beledweyne

44

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Talyaaniga auaa maanta magalada la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka magalaada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Mashruucan ay hirgelinayso dowladda Talyaaniga ayaa isugu jira dhisme biyo xireeno, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga Shabelle ee Hiiraan, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabeelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in mashruucan ay ahayd in la fuliyo sanadkii hore balse dib u dhac ka yimid dhanka dowladda Talyaaniga loo hirgelin waayay.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in mashtruucan xooggiisa la gelin doono biyo xireenada magaalada Beledweyne si wax looga qabto fatahaadaha soo laablaabta iyadoo sidoo kalena looga ay qeyb mashruucaan ka mid ah ka faa’iidaysan doonaa Beeraladayda Gobolka Shabeellada Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi oo sidoo kale munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa ay mashruucan ka shaqaynayso in ay hirgeliso oo dhisto biyo xireenada wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne.

Safiirka ayaa sheegay in mashruucan uu ku kacaya 6 milyan oo lacagta Yuurada ah ( Euro) taasi oo ay maagalinayso dowladda Talyaaniga.

SHARE