Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta maagalada Muqdisho kula saxiixday safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya heshiis ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya.
Heshiiskaan Deyn Cafinta ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa daba socda go’aankii dalalka Paris Club ama Naadiga Paris ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.
“Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Italy u jooga Soomaaliya Mudane #Alberto_Vecchi oo si gaar ah nagala shaqeeyay Saxiixa maanta inoo suuro galay”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sii loo dhamaystiri lahaa in dalka laga cafiyo deymaha faraha badan ee wali lagu leeyahay inkasta deyn badan Soomaaliya laga cafiyay sanadkii la soo dhaafay ee 2020-ka.