Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Dr. C/xakiim Ibraahim ayaa kulan magaalada Jiddah kula qaatay Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada ahna Madaxa Hay’adda Guud ee Arrimaha Awqaafta dalka Sacuudiga Dr. Cali Bin Naasir Algafis.
Labada Mas’uul ayaa si weyn waxa ay kaga wada hadleen Arrimo badan oo quseeya Labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka ka dhaxeeya Labada Dowladood gaar ahaan Arrimaha Awqaafta.
Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada ahna siihayaha Madaxa Hay’adda Guud ee Sacuudiga Dr. Cali Bin Nasir Algafis ayaa sheegay iney mar waliba garab taagan yihiin Soomaaliya.
Wuxuu kaloo sheegay Dowladda Sacuudiga in ay taageereyso Soomaaliya, kana taageereyso arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha bulshada.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dr. C/xakiim Ibraahim ayaa sheegay in Sacuudiga uu doonayo in uu gacan weyn ka geysto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyay garab istaagooda.
Soomaaliya waxa ay guul la taaban karo ka gaartay xiriirka dibedda oo Afartii sanno ee la soo dhaafey gaaray heer sare.