Doxa, Qatar – Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ku kala saxiixday shan heshiis iyo Saddex is-afgarad oo ku saabsan arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaallaha.
Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya dowladda iyo dowladda Qatar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirkooda heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan u helaan faa’iidooyinka kasoo baxa.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka, maalgashiga iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhammaan heshiisyada la saxiixay ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto.
Wasiiradda arrimaha dibadda, Qorsheynta qorshaynta iyo wasiirka ku xigeenka Maaliyadda oo ka mid ahaa wafdi Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Soomaaliya heshiiska u saxiixay.
Wasiiradda ayaa sheegay in sidoo kale heshiisyada ay la galeen dhiggooda dalka Qatar ay ku jirto in diyaarada Qatar Airways ay bilaawdi dulimaadyo ay ku imaanaysa magaalada Muqdisho sanadka 2019.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo dhiggiisa dalka Qatar aya goobjoog ka ahaa saxiixa heshiishyo iyo is-fahanno ganacsi ee ay wadda galeen labada dal.
Waxa aan maanta goobjoog ka noqonay, aniga iyo dhiggayga Qatar @ANK_AlThani saxiixa heshiisyo & is-fahanno maalgelin, ganacsi iyo horumarineed oo labadeena dal wada galeen. Waxa ay waxbadan ka tarayaan horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.#NabadIyoNolol pic.twitter.com/AccHHWVe6n
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) December 13, 2018

























