Soomaaliya iyo Qadar oo Muqdisho ku saxiixday heshiis ku kacaya boqolaal Milyan oo Doolar

1030

Wafddi ka socda Dowladda Qadar oo maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kulamo la yeesheen Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay la saxiixdeen heshiis ku saabsan hirgelinta mashaariic horumarineed, iyadoo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Khayre.

Heshiiskan oo ku kacaya lacag dhan 2 boqol oo milyen oo dollar ayaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageeradan ay dowladda Qadar u fidinayso shacabka Soomaaliyeed.

Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada SHabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.

Wafdiga ka socday Dowladda Qadar ayaa sheegay  in ay qeyb ka qaadan doonaan shaqo abuurka dhallinyarada,sidoo kale dhismayaasha Waddooyinka ayey sheegeen in ay shaqo badan ka heli doonaan Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wafdiga ayaa sheegay in lacagtaasi lagu bixinayo mashaariic lagu horumarinayo Soomaaliya, kaas oo uu bixinayo Sanduqa  Caalamiga ah ee horumarinta Dalka Qadar.