Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixday

211

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta oo Axad ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee awood dhisidda tababar ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ,Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez.

Heshiiska ayaa waxa uu qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimka u leh qorshayaasha nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Muqdisho ayaa waxa ay tilmaameen horumarka xiriirka iskaashi ee wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya sidii hore loogu dhaqaajin lahaa si loo gaaro natiijooyin lagu qanco oo ka tarjumaya himilooyinka la doonayo.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera mashariic hormarineed oo kala duwan.

SHARE