Soomaaliya iyo Kenya waa in ay helaan qaab ay kuwada noolaan karaan kiiska badda kaddib – UM

1058
President Mohamed Abdullahi Farmajo and Uhuru kenyatta met in New York during the United Nations General Assembly to discuss normalizing diplomatic relations between the two countries. Photo courtesy: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Sawirada muujinayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo magaalada New York gacmaha si wadajir ah kor u wada haya, iyada oo uu ku dhex jiro Madaxweynaha Masar Cabdul Fatax Siisi ayaa ahaa mid isbadal horseeday. Waxay dirtay farriinta ah waan wadahadli karnaa innaga oo xitaa isku diiddan dacwadda badda ee taalla maxkamadda caddaaladda addunka ee ICJ.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo la socday ayaa caddeeyay in intii shirku socday Madaxweynuhu sheegay in dacwadda aan meeel aan ahayn maxkamadda lagu xallineyn, laakiin ay diyaar u yihiin in ay billaabaan wadahadallo lagu soo celinayo xiriirka sidiisii hore. Kenya ayaa u muuqata in ay aqbashay mowqifkaas oo dooneysa in iyada oo taas lagu saleynayo la dhiso guddi wadajir ah.

Dowladda Kenya ayaa war ay soo saartay ku soo dhaweysay kulanka iyada oo sheegtay in dhibaatooyinka Afrikaanku ay u baahanyihiin, xal Afrikaanimo, taas ayaan haddaba macquul ahayn maxaa yeelay khilaaf sharci oo yaalla maxakamadda caddaaladda addunka waa ka duwanyahay arrimo gaar ah ama wax lagu xallin karo  wadaxaajood uu garwadeen ka yahay Midowga Afrika. Arrintu ma ahan mid gaar ah oo lagu xallin karo isfaragad ka baxsan maxakamadda maxaa yeelay waa arrin caddaladeed.

Soomaaliya iyo Kenya ayaan waligood isku afgaran doonin kiiska dacwadda badda maxaa yeelay Soomaalidu waxay waligood aaminsanaayeen in Kenya oo ka faa`ideysaneysa tabaryarida dowladdooda ay isku dayday in ay qaadato badda Soomaaliya. Labada dal ayay dhibaato ka soo gaartay dagaalkii qaboobaa ee dhanka diblomaasiyadda, waxaana la joogaa xilligii ay ka gudbi lahaayeen kiiska badda oo ay xooga saari lahaayeen dhinacyada kale ee xiriirka labada dal.

Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo daris ah waana in ay la yimaadaan qaab ay u wada noolaan karaan iyaga oo si wadajir ah u wada gaaraya hadafyada ay hiigsanayaan, sidoo kalena mid walbana uu dantiisa gaarka hiigsanayo. Labada dal waa in ay xoojiyaan iskaashiga amniga, dhaqaale iyo waxyaabaha suurogaliya maalgalinta si loo gaaro iskaashi goboleed oo dhanka dhaqaalaha ah.

Dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya waxay lahaayeen taarikh iskaashi oo soo jireen ah sidaas darteed waa in ay joojiyaan waxyaabaha xunxun ee jiray sannadkii ugu danbeeyay, dibna ay u bilaabaan wada shaqayntii .

Darisku waa daris si kasta oo khilaaf u jiro. Haddii Kenya ay ka tanaasushay in ay ka tagto kiiska dacwadda badda in lagu daro wadahadalada, Soomaaliyana way ku saxantahay in ay Kenya kala hadasho dhinacyada kale ee xiriirka labada dal. Haddii se Kenya ay khiyaano wadato oo aysan ka dhab ahayn dib u heshiisiin, laakiin ay dooneyso in si uun ay usoo galiso arrinta badda, taas lama aqbali karo   oo waxay dib usoo celin kartaa xiisaddii. Kenya waa in ay muujisaa niyad wanaag oo aysan faraha la galin siyaasadda gudaha Soomaaliya.

Waa ay fiicneed in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ay kulmaan oo ay bilaabaan wadahadalka. Wadahadaladaan waxa ay kaliya horay ugu socon karaan haddii Kenya ay u dhaqanto si masuuliyad iyo caddaalad ku dheehantahay, Midowga Afrikana uu  u dhaqmo si dhexdhexaad ah.