Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis dhanka Iskaashiga iyo amniga ah

145

Mombasa – Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya ayaa manta oo Tallaada ah iyaga oo kala horkacayay wafdi oo ka kala socday labada dal waxa ay wadahadalo laba geesood ah ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada, Mombasa.

Labada wafdi ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) sannadkii 2015. JCC kaas oo qeexayay baaxadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada sida ganacsiga iyo maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

SHARE