Soomaaliya iyo Jarmalka oo heshiisyo kala saxiixday

809

Muqdisho (UM) – Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Jarmalka ayaa kala saxiixday heshiisyo ku saabsan horumarinta dhanka Maaliyada iyo xoojinayo dhanka iskaashiga labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa la saxiixday labo heshiis danjiraha cusub ee Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther kaddib kulan ay ku yesheen magaalada Muqdisho.

Heshiisyada Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu la saxiixday safiirka Jarmalka ku saabsan Iskaashiga dhanka Maaliyadda kaasi oo ku baxaya 15 milyan oo lacagta Yuurada ah ( Euro) iyo sidoo kale mashaariic kale oo logu horumarinayo iskaashiga farsamada.

Dowladda Jarmalka ayaa dhawaan safiir cusub u soo magacoowday Soomaaliya si ay u xoojiso iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhaxeeya.