Soomaaliya iyo Itoobiya oo iskaashi dhow ka yeelanaya dhinacyada ammniga iyo dhaqaalaha

1535

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta booqasho rasmi ku yimid magaalada Muqdisho wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay wehlinayaan Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, qaarka ka mid ah xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida ayaa ku soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah diyaaraha ee Aden Adde.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kula kula yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Kulankooda kaddib ayay shir jaraa’id wadajir u qabteen, isagoo sheegay in ay ka wadahaaleen arrimaha ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in ay ka wadahaaleen R/Wasaaraha Itoobiya, xoojinta Iskaashiga amniga, maalgashiga, fududeynta isku socdka bulshada iyo ganacsiga iyo horumarinta dekaddaha Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhankiisa isaguna sheegay, in ka wadahaleen oo qadobo oo ay ka mid yihiin, fududeynta isdhexgalka bulshada, ganasicga, iskaashi dhaqaale oo labada waddan dhexmara iyo amniga.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay sidoo kale in Itoobiya iyo Soomaaliya ay waddagaan waxyaabo badan oo ay ka mid tahay, dhaqanka, diinta, luuqada iyo ganacsiga.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo wafdigiisa ayaa dib ugu laabtay dalkooda, waxaan garoonka diyaaraha Aden Abdulle ka sagootiyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waa booqashadii ugu horeeysay oo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu noqday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Abiy Axmed ayaa noqoday R/Wasaaraha Itoobiya bishii Abril, 2018-ka, isagoo bedelay R/wasarihii hore ee iscasilay Hailemariam Desalegn.

Guddiga wadajir ah oo ka kooban labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loo saaray in ay ka shaqeeyaan sidii loo fulin lahaa waxyaabaha la isku afgartay.

Lama oga qodobada ka soo baxay kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya in ay dhaqangeli doonaa oo la fulin doono iyo in kale.