Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo heshiis iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga kala saxiixday

764

Asmara: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara ee caasimaadda dalka Eriteriya.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Dhankale,  Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la filayaa in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.