Rabshado ay ka dhasheen khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa gudaha dalka Itoobiya ku dhex maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa dhimatay, shan kalena waa ay dhaawacmeen markii ay fooda isdareen labada qowmiyadood oo wadaaga xuduud aad u dheer.
Rabshadaha ayaa la sheegay in lagu gubay guryo aad u faro badan, iyada oo dadkii ku sugnaa ay u barakaceen xuduuda dhanka Oromada.
Rabshada u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida ayaa aad usoo noqnoqday sanadihii u danbeeyay.Inta badan gaacan ka hadalkaan ayaa la sheegaa in ay qayb ka yihiin ciidamada labada dhinac ee Liyuuga loo yaqaan.
Dagaalada Oromada iyo Soomaalida ayaa waxa uu salka ku hayaa dhianaca dhulka iyo xuduuda labada maamul.