Soomaali lagu dilay magaalada London

813

Wararka ka imaanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay  Labo wiil oo Soomaali ah.

Wiilashan la diley ayaa da’ ahaan waxaa lagu qiyaasay inay u dhaxeeyaan 18 iyo 20 sano jir.

Sida jirkooda ka muuqata, wiilashan ayaa lagu diley Mindi/toorey, waxaana la sheegayaa inaan la hayn dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada Booliiska dalkaasi, kuwaasi oo la wareegay meydadka Labada wiil sidoo kalena waxay wadaan baaritaanno arrintaan ku saabsan.

Afar Bil ka hor, London waxaa lagu diley walaalka mid kamid ah wiilashii xalay la diley.