Xaakim Mareykan ah ayaa hakiyay in la soo musaafuriyo dad Soomaali ah oo aanan sharci laheyn, kuwaasi oo la doonyay in Soomaaliya loo soo musaafuriyo labadii bishan March.
Dacwadda ugu weyn ee Xaakimkan ku dooday ayaa waxa ay aheyd in Soomaaliya xilligan aysan ka jirin amni buuxa oo la isku haleyn karo, waliba la xusuusta kuwii horey loo geeyay in qaarkood ay doonayaan in ay soo laabtaan.
Dadkan oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Mareykanka ayaa waxa ay isugu jiraan Soomaali, Gambian iyo South Sudan, waxaa arrintan aad ugu ololeeyay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka.
Qaar ka tirsan Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegeen in ay ku guuleysteen in hakiyaan Soomaalida la soo musaafurin lahaa, balse ay jiraan dad wadamo kale u dhashay oo la soo musaafuriyay.
Tan iyo intii uu Aqalka Cad fariistay Madaxweyne Trump, Soomaali badan ayaa lagu soo celiyay Soomaaliya, arrintaas oo ah xaajo ugub ah, islamarkaasna aanan horay uga dhicin Mareykanka.