Home Wararka Maanta Soo cilinta 92 qof oo Soomaali ah oo dib loo dhigay

Soo cilinta 92 qof oo Soomaali ah oo dib loo dhigay

825

Darrin Gayles, oo ah Garsooraha Maxkamadda  Miami dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay Dacwadda dad Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 92 qof oo dhawaan  laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka, Laakiin diyaaradii siday ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay suurtagal tahay in ay ku biiraan Al-Shabaab hadii lagu  celiyo Gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in si qasab ah la doonaayay in dib loogu soo celiyo dadkaasi Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in diyaarad siday ku dhawaad 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka in diyaaradii siday ay cilad ku timid.

Dadkaan ayaa heysan sharciga lagu jooggo dalka Mareykanka, waxaana  laga soo qabtay qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka.

Diyaaradda siday dadkaan ayaa ka degtay Magaalada Deka ee Caasimadda dalka Senegal, waxaana intaasi ka dib ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka.

Maxkamaddaha Mareykanka ayaa ku tilmaamay falka dadkaasi lagu soo masaafurin rabay mid Sharciga hareermarsan.