Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay Dacwadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Imaaraadka Carabta uga gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan oo khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 27-kii bishan wuxuu Dacwad ka dhan ah wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka, taasi oo ku saabsan Saldhigga Berbera iyo heshiiska DP-world.
Wuxuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland in ay xaq u leedahay in ay ka taliso dhulkeeda, Badeeda iyo Hawadeeda, maadaama uu sheegay inay buuxisay shuruudihii wadan ee laga rabay.
“Cid heshiis aan la galnay Soomaaliya xaq uma lahan in ay ka hadasho, dadka Somaliland maanta ku nool waa dad is bxiin kara, annaga ma nihin Gobol, waxaan nahay wadan degan, oo jecel jaarkiisa.” Ayuu yiri Wasiir Sacad.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin wax mad madow ah oo soo kala dhexgalay Somaliland iyo Qaramada Mdioobay, maadaama maalmahan dambe ay soo baxayaan warar ku saabsan in khilaaf uu soo kala dhexgalay.
Ugu dambeyntii Sacad Cali Shire ayaa sheegay Maamulka Dekeda Berbera mudo ku dhow sanad in ay gacanta ku heyso shirkadda DP World, balaarinteedana la dhameeyay, heshiiskaasina uusan noqon doonin mid burbura.