Somalia: Dhaqamada diblomaasiyadda ka fog waxay dhaawacayaan xiriirka Caalamka, kan gudaha

1601
Yusuf Garaad Omar, Minister of Foreign Affairs, International Cooperation Photo/Google

Mogadishu (UM) – Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn xaqiijisay “inay Mareykanka weydiisatay taagero Militeri oo ah siddii loo dabbageli lahaa,loogana saari  lahaa goobaha ay dalka Soomaaliya uga suganyihiin isla markaasna ay ka howl-galaan kooxda Al-Shabaab. Warqadaan codsiga ka yimid dowladda Soomaaliya sax ahaanshiyaheeda iyo inuu saxiixay wasiirka arrimaha dibadda waxaa xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Danjire Axmed Cawad. Warqadan codsiga ah ayaa Mareykanka ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya in la dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo sida warqadda ku cad ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay kooxdani ay qabsatay goobo ay ku keydsan tahay macdanta Uranium (Yuraaniyaam) ka oo ku yaalla degaanadda Galmudug si ay ugu sii dhoofiyaan dalka Iiraan.

Si waji-gabax ka muuqdo ayuu qoraalku wuxuu sheegayaa in “AMISOM aysan waxba ka qaban karin arrintan” maadaama aysan awood u laheyn in ay ka adkadaan Al-Shabaab iyo shabakadaha kale ee argagixisada Soomaaliya iyadoo ay ugu wacan tahay baa lagu yiri warqadda tasiilaadka ay heystaan oo kooban. Si dadban ayaa warqadda loogu soo gebogebeeyay, iyada oo ku celcelinaysa dhalashadda Mareykanka ee madaxweyne Farmaajo sababo macquul ah oo loogu talagalay in lagu soo dedejiyo isla markaasna lagu kasbado codsiga lagu dalbaday faragelinta Maraykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Inkasta oo ay tahay wax caadi ah in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay gargaar nuucyo kala duwan ka weydiisato dhammaan wadamada saaxiibtinimada iyo xiriirka soo jireenka ah kala dhaxeeyo sida inay taageero guud ee dib-u dhiska dalka iyo soo celinta nabad gelyadda inay ka kaalmeyaan Dowladda Federalka Soomaaliya, haddana way adag tahay in si aanay diblomaasyiyadi ku jirin in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu majo-xaabiyo dadaalka nabadgelya iyo xasiiloni raadinta ee AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala Soomaaliya. Qoraalkiisa, uu soo dhigay barta uu ku leeyahay internetka ayuu Wasiir Yuusuf Garaad isku dayey inuu qafiifiyo erayadii rasmiga ahaa ee uu waraaqda codsiga tageeradda Mareykanka u isticmaalay balse talaabadan uu ku xadidayo jahwareerka iyo saameynta baaxadadda leh ay abuurtay warqada uu la wadaagay safiirka Maareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb Stephen Schwartz waxay ahayd mid waxba aan ka badaleyn middii rasmiga ahayd. Sababatoo ah waxyeeladda diblomasiyadeed iyo mida siyasadeed ey geysatay waraaqdani waa mid mugeeda leh.

Uranium ayaa ahayd ereyga keeli ah ee ugu muhiimsan ee loogu talagalay in lagu helo dareenka Mareykanka ee arrimo kasta oo amniga quseeya iyadoo ay ugu wacan tahay diidmadda joogtadda ah ee Mareykanka ee ku aadan barnaamijka kobcin Uraniyaamka Iran. Iyadoo la tixgelinayo in dhexdhexaadnimadu ay ahayd tiirarka muhiimka ah ee Golaha Wasiirada uu ansaxiyay ee ku aadan Siyaasadda arrimaha Dibadda Soomaaliya sannadkii hore, waxay halis u tahay fursadaha horyaala Soomaaliya iyo khatarta ah in siyaasad la galiyo arrin xasaasi ah sida Urainium oo kale oo khatar teeda leh oo u dhexeeya laba awadoodo oo caalami ah, gaar ahaan, iyada oo Soomaaliya ay xiriirkii u jartay dowladda Iiraan sanadkii la soo dhaafay sababo la xiririira faragelin la sheegay in Iiraan ay ku sameysan arrimaha Soomaaliya.

Iyadoo la sii amba-qaadayo waxyaabaha halista leh ee warqaddani ka koobnayd, waxaa jira dhibaatooyin dhanka xiriirka iyo maclumaad isla wadaagista la’aan ah oo ka jira maamulka hadda ka arrimiya Soomaaliya tiyoo ay u sii dheertahay  xifdinta sirta oo hagal daac ka jiro iyo xogaha dowladda oo aan qarsoonayn. Qaladkii ugu horreeyay ee weynaa ma aha in warqadda la diyaariyay kadibna si fudud loo dusiyey iyadoo gaaf wareegaysa baraha bulshadda iyo internetka. Si la mid ah macluumaadmka dowladda ee hore loo gudbin jiray, dhacdadan waa mid diblomaasiyadeed iyo siyaasad ahaanba ilhaano ku ah dowladda Soomaaliya, ayaan-daradda ugu weyni waxa ay tahay ilaa ay isbedel dhab ay kala imayaan madaxda ugu sareysa dalka, ma jiri doonto dib u habeyn dhab ah iyo cashar laga barto dhacdadan.

Waxay tahay arrin walwalkeeda leh in jawaabta ugu horreysa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka bixiso dhacdani ay tahay aamusnaan. Tani waxay kaliya u ogolaaneysaa shacabka in tuhumadda jira ay saameyn ku yeshaan kadibna shakiyada kala duwan waxay wiiqi doonaan wax kasta oo macquul ah oo laga yaabo inay dib ka soo saarto dowladdu sida war saxafadeed oo kale. Arrintan uu ku kacay wasiir Yuusuf Garaad, waxaa muhiim ah in uu joojiyo dhaqanka ah inuu ku soo bandhigo macluumaadka qaran barta gaarka ah ee ku leeyahay internetka. Wasiirku waxaa muhiim ah inuu xusuusto inuusan sii ahayn wariye ama muwaadin gaar ah, laakiin uu yahay Wasiirka mas’uul ka ah hoggaanka siyaasadda dibadda ee Soomaaliya isagoo ka dhigan wajiga caalamiga ah ee rasmiga ah ee diblomaasiyadda Soomaaliya.

Warqadan lala degdegay, uma muuqato mid uu qoray wasiirka arrrimaha dibadda Soomaaliya balse waxay leedahay dhamaan astaamaha midii uu qori lahaa Jeneraal ciidan oo culeys milatari soo fuulay oo dib u gurasho ku jira, kama muuqato waraaqdani wax tilmaamaya wasiir ay dowladiisu ka soo kabaneyso ku dhawaad rubac qarni colaad iyo dib u dhac dowladnimo. Waxaa xusid mudan in ahmiyadda dowladda hadda jirta iyo siyasadeeda arrimaha dibadda ay tahay sidii loo badali lahaa sawirka xun ee Soomaaliya caalamka u galay balse maahan in qiil iyo tageero la siiyo sawiradda iyo magacyadda xun xun ee Soomaaliya loogu yeero kuwaas oo la haray qaranimadeena.

Guud ahaan, waraaqda uu wasiir Yuusuf Garaad u gudbiyey Ambassador Schwartz ee looga codsanayo taageerada ayaa ah mid guracan oo sal-fudeyd ka muuqdo, waxaana ay wiiqaysaa dhammaan dadaallada la dagaallanka al-Shabaab iyo doorka ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo kan ciidamadda Amisom. Waxay sidoo kale dhalin kartaa xiisad qabiil oo ka dhex dhalata qabiiladda ku dhaqan gobolka Galmudug haddii Maraykanku uu ciidan ahaan u faragaliyo sida codsiyada warqadda lagu weydiistay.

Warqada uu dusiyay wasiir Yuusuf Garaad waxay si cad u dhalin doontaa su’aalo culeyskooda leh oo ka imaan doona ururadda gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Dalalka Ciidammada uga jiraan AMISOM iyo Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Sidii looga dabaalan lahaa qaska iyo jahwareer ay dhalisay warqadan, waxay u baahan doontaa xirfadaha ugu wanaagsan ee dibloomaasiyadeed.