Slovakia oo haweeneydii ugu horreeysay Madaxweyne u doortay

579
Slovakia oo haweeneydii ugu horreeysay Madaxweyne u doortay. Reuters

Zuzana Captuva oo ah haweeney ka tirsan xisbiga siyaasadda furfuran si weyna uga soo horjeeda musuqa ayaa loo doortay in ay noqoto haweeneydii ugu horreeysay ee Madaxweyne ka noqota dalka Slovakia.Zuzana Captuva waa 45 jir heysata labo caruur ah ninkeedii ay kala tageen,isla markaana aan lahayn wax waayo aragnimo siyaasadeed ah .

Zuzana oo ka tirsan xisbiga furfuran siyaasad ahaan oo aan wax kuraas ah ku lahayn baarlamaanka dalka slovakia ayaa wareeggii ugu danbeeyay ee kala reebtada ah oo dhacay sabtidii uga adkaatay diploomaasi sare oo uu tartamayay xisbiga haya talada dalka Slovakia.

Zuzana ayaa tartanka madaxtinimo ku tilmaantay halgan u dhaxeeya xumaan iyo wanaag. Dilka loo geystay wariye dhanka dabagalka ah oo isaga iyo gabar u dooneyd la toogtay sannadkii 2018 ayay sheegtay in ay ku dhiirigalisay in ay u tartanto madaxweynimada dalkaas oo iska maamuus uun ah.

Wariyahaan la dilay oo lagu magacabay Jan Kuciack ayaa baarayay xiriirka ka dhaxeeya siyaasiyiinta iyo danbiyada abaabulan.

Haweeneydaan oo noqoneysa tii ugu horreysay ee qabata xilka Madaxweynimo ee dalka Slovakia ee qaaradda Yurub ayaa ninkii kula loolamayay xilkaan uga adkaatay 58% codadka la dhiibtay, halka Sefcovic uu helay 42% .
Sefcovic oo ahaa dibloomaasi magac ku leh dalka Slovakia ayaa waxaa tartanka Madaxweynimo u xushay xisbiga SMER-SD ee uu hoggaamiyo Ropert Fico Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas oo lagu qasbay in uu iscasilo kaddib dilkii loo geystay wariye dhanka dabagalka ah.

Zuzana Captuva oo ah qareen ayaa si weyn loogu bartay dacwad qaadatay muddo 14 sanno ah oo ay ka gudbisay dhul si sharci darro ah looga dhigay qashin qub.

Siyaasad ahaan waa gabar aaminsan afkaarta furfurnaashaha waxaana la saadaalinayaa in ay caqabad kala kulmi doonto baarlamaanka dalkaas oo ay ku xoogganyihiin kooxaha midigta fog oo si weyn uga soo horjeeda afkaarta ay xanbaarsantahay.