Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa in ay u midoobaan difaaca hantida Qaranka

Muqdisho (UM) – War saxafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo jawaab u ahayd hadalkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayay dowladda Kenya ku dalbatay in muranka badda ee ka dhaxeeya labadda dal lagu soo afjaro sida ugu dhaqsaha badan iyadoo Kenya ay dalbatay in Soomaaliya ay ka baaqsato dacwadda maxkamadda ICJ oo imika ay hortaalo go’aan ka gaarista dacwada, sida ay qortay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya.

War saxafadeedka ka soo baxay Kenya ayay doodu tahay in dalalka deriska ahi aanay maxkmad isgeynin, balse dowladda Kenya waa inay garwaaqsataa in dalalka deris wanaaga uu ka dhaxeeyo aanay boobin hantidda kuwa kale, waliba marka ay xaqiiqsadaan inay ka faa’ideystaan tabar yaridda dalka jaarka la ah. Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin kheyraad kasta oo ay leeyihiin si ay u horumariyaan dalkooda iyo dadkooda. Marnaba ma ogolaan donaan, mana dhici doonto in lagu qasbo inay mustaqbalkooda ay u baahan yihiin loo maroorsado si sahlan. Arrinta hortaala maxkamadda Cadaaladda Addunka waa inay ku dhamaataa si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, midaas oo dhamaan ifafalooyinku ay muujinayaan inay waddo saxan ku taagantahay Soomaaliya.

Cadawga Soomaaliya wuu badanyahay, sababtoo ah Soomaaliya waa wadan qanni ku ah kheyraad farabadan oo ku yaala meel istaraatiiji ah. Qiimaha ay ku fadhido Soomaaliya waa mid ay ka wada dharagsanyihiin caalamku, balse waxaa mararka qaar loo qaadan karaa siyaasiyiinta Soomaliyeed ineysan waxba kala socon mudnaanta uu leeyahay dalkoodu. Durba, waxaa soo baxaya xildhibaano Soomaaliyeed oo iyagoo aan ka warheynin qadiyadda badda Soomaaliyeed isku soo dhex tuuray xiisadda ay abuurtay dowladda Kenya oo uu ujeedkeedu yahay inay cabsi galiso Dowladda iyo ummadda Soomaliyeed si u gaarto danaheeda guracan ee boobka hantidda ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya war saxafadeedkii ugu horeeyay ee ay ka soo saartay shirkii Soomaaliya ay ku qabatay London waxay ku sheegtay in cid kasta oo ka horyimaada danaheeda ay u aragto cadaw, sidaas si la mid ah, dowladda Soomaaliya waa inay cadeysaa in qof kasta oo Soomaali ah oo qeyb ka noqda boobka hantidda ummadda Soomaaliyeed inay yihiin cadaw, isla markaastan ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

Siyaasadda Soomaaliya waa mid uu imika hana qaaday oo ay horyalaan caqabado farabadan kuwaas oo ugu dambeyntii laga gudbi doono, madaama ay ummadda Soomaaliyeed yihiin muwadiniin dalkooda jecel. Siyasiyiinta Soomaaliyeed ee caadeystay inay ka horyimadaan wax walba oo ay ku jirto masiirka ummadda Soomaaliyeed waa inay danahooda gaarka ka hormariyaan midda Qaranka Waxaa welwel iyo nasiib darro ah in xilli dowladda Kenya ay ku howlantahay boobka hantidda Soomaaliyeed, ay xildhibaano iyo Saneetaro xilal ka haya Soomaaliya ay ku mashquulsanyihiin qiil u raadinta dooda Kenya, halka kuwa kalena ay hurdaan iyagoo aanba la socon mas’uuliyadda saaran.

Marka horeba, inay dacwad gasho qadiyadda badda Soomaaliyeed waxaa asal u ahaa siyaasad xummo, musuqmaasuq iyo la’aanta aragti fog. Waxaa lagama maarmaan ah, in dowladda iyo ummadda Soomaaliyeed ah hal meel uga soo wada jeestaan ilaalinta hantidda iyo masiirka aayaha dalkooda. Xilligani, maaha waqitigii la qab-qabsan lahaa siyaasado is-diidan iyo fikrado aan micno weyn ugu fadhiyin dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Maanta, ummaddi Soomaaliyeed waxay hogaan ka sugayaan dowladooda, hadii ay ay dowladdu ka soo bixi weydo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed, waxay ku reebi doontaa ummadda Soomaaliyeed taariikh ma hadho ah.

Mudane Madaxweyne, Mudane Ra’iisul wasaare, Mudane, Guddoomiyaha barlamaanka, Mudane Guuddoomiyaha Aqalka Sare, iyo xubnaha labadda aqal ee Soomaaliya, maanta waxay idinka sugayaan shacabka Soomaaliyeed midnimo iyo hogaan jawaab u noqon karta gardaradda ay Kenya ula soo bareertay Soomaaliya.

SHARE