Siyaasadeynta Canshuur qaadista waa tallaabo khaldan -UM

2376
Bakara market. Photo: Facebook.

Muqdisho (UM) – Sheekada toddobaadka ayaa ah xirnaanshaha suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaro, kaas oo u xiran canshuurta iibka oo ay wasaarada Maaliyaddu kusoo rogtay ganacsatada, ganacsataduna ay ka biya diideen. Ha yeeshe ‘e sidaas run ma ahan. Ganacsatada ayaa si guud uga qayb qaadan qaadacaada oo waa mid ku kooban ganacsatada qaar. Intaas waxaa sii dheer in kasta oo qaar ay joojiyeen bixinta canshuurta, haddana waxaa jira ganacsato badan oo bixiyay canshuurta, alaabtoodana kala baxay dekadda iyaga oo ku gadaya suuqyada qaar ee Muqdisho.

Wasaraadda Maaliyadda ayaa ku doodeysa in canshuurta 5 boqolkiiba ay ku caddahay sharciga Soomaaliya, ayna ka go’antahay in ay qaado.Tan ayaa ah mid ay isku mowfiq ka yihiin dowladda oo dhan, iyada oo Ra’iisal wasaraaha uu ku booriyay ganacsatada in ay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska dalka oo canshuurta bixiyaan. Doonista siyaasadeed iyo mowqifka cad ee dowladda federaalka ayaa ah mid aad loogu bogaadiyo, lagana yaabo in ay natiijo wax ku ool ah kasoo baxdo.Haddii-se ay taa dhici weyso waxaa jirta suuro-galnimo in lagu fashilmo barnaamijka la socodka shaqaalaha ee IMF-ta.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa qaatay kaalin aad u weyn intii lagu jiray xaaladihii adkaa ee dalka soo maray.Waxay maalgashadeen waqti inta badan ay carareen dhabarkana  ay xijiyeen shacabka Soomaaliyeed.Tan oo ay kaabeysay lacagta xawaaladdaha oo ay qurba joogto soo diraan, waxay suura galisay in dhaqaalaha dalka uu kobco, dadkuna ay helaan adeegyo ilaa iyo hadda muhiim u ah noloshooda.Ha se ahaate ,  ganacsigii inta badan jiray xilliga dowlad la,aanta waxay ka faa’iideysteen canshuur aysan siin wax dowlad ah. Inta badan lacagta ay bixiyeen waxa ay aheyd lacag gorgortan ah oo ay ku badbaadsanayen ganacsigooda.

Naaneysta ah Milyaneer hal bari ama maalin taajir laguma curin Sillicon valley xarunta Technology-da Mareykanka oo aan si dhaqso ah Bilyaneer lagu noqon Karin.

Dowladda dhankeeda waxaay baahi u qabtaa kasbashada kalsoonida shacabka. Dowladihii tan ka horreeyay marnaba dhab kama aheyn dowlad wanaaga, ilaa maantana waxaa jira dad mas’uuliyiin sarsare oo ay ku jiraan xildhibaano, iyo wasiirro, kuwaas oo leh ganacsiyo gooni ah taas oo ka hor imaneysaa xeerka shaqada ee siyaasiga.

Joojinta qandaraaysadii oo ay wasaarada Maaliyada sameysay, waxaa soo shaac baxay xildhibaano, iyo wasiirro ku doodaya in ay saami ku leeyhiiin shirkaddaha shaqada laga joojiyay, si toos ahna ugu ololeynaya in qandaraaska lagala noqon oo sii shaqeeyaan, iyaga oo marnaba aan sheegin in ay shirkad saami ku leeyhiin markii ay u dhaaraneyeen xaafiisyada ay joogaan.Tanni waa in uu wax ka qabtaa xeerka shirkaddaha oo shalay ay meel mariyeen golaha wasiiradu.

Sidoo kale waxaa isna taageero u noqon doona xeerka shirkaddaha , sharciga ka dhanka ah musuq maasuqa, kaas oo markii la dhaqangaliyo danbi ka dhigaya laaluushka joogta ah iyo danaha iska hor imanaaya oo caqabad ku noqday daah furnaanta iyo dowlad wanaaga Soomaaliya.Inta taas la gaarayo waa in la abuuraa dhaqan daah furnaan iyo is aaminaad ku dhisan oo u dhaxeysa dowladda iyo ganacsatada. Labadoodu waa isku baahan yihiin, ismari wagaanna cidna dan uguma jirto.

Dhankooda wasaarada Maaliyadu oo uu u matalayo wasiir Bayle waxa ay caddeysay in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo dollar kasta oo la qaaday. Ilaa iyo hadda  waa ay dhawreen balankaas,shacabka Soomaaliyeed waa in uu mar labaad  ku aaminaan canshuurtooda si loo maalgaliyo mustaqbalkooda.

Bixinta canshuurta shan boqolkiiba ma ahan walaaca haya ganacsatada ee, waa wadada isbedelka oo ay qaaday dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.In ka badan  intii dowladihii ka horreeyay, dowladda madaxweyne Farmaajo waxaa ka dhab ah in ay ka maalgaliso mustaqbalka Soomaaliya canshuuraha gudaha laga soo saaro, ayna soo afjarto ceebtii aheyd iyo baryadii joogta aheyd ee beesha caalamka oo laga sugaayay ilaali, dib u dhis oo quudi. Habkaan ma sii socon doono,mana soconayo. Soomaalida kaliya ayaa dib u dhisi kara dalkaan quruxda badan oo qaniga ah, ahna waddan dihan oo fursado ay yaalaan fursado soomaalidu ka faa’iideysan karto.

Ganacsatada Soomaaliyeed waxay dani ugu jirtaa raacida amarka bixinta canshuurta boqolkiiba shan. Bixinta canshuurtaan sharciga waa in ay soo raacdaa bixinta canshuuraha kale sida midda shirkaddaha, dakhliga shakhsiga iyo kuwa kale.Inta badan ganacsatada Soomaaliyeed waxay heystaan muddo 25 sano ah oo canshuur la,aan , maanta se waa in ay xaqiiqsadaan in taasi dhammaatay. Dhanka kale dowladu waa in ay canshuurta ku bixisaa helida adeegyadii aasaasiga ah, isla markaana ay ballaarisaa nidaamka canshuur qaadida oo gaarsiisaa Dowlad Goboleedyada oo ilaa iyo hadda aan wax ku darin miisaaniyadda dowladda dhexe.

Canshuurta boqolkiiba shan ayaa lagu qaadaa dekedda maadaama aan lagu qaadin goobaha ganacsi ammaanka dartiis sidaas waxaa sheegtay wasaarada Maaliyada. Laakiin dhacdadaan ayaa keentay hakad ku yimaada nolosha shacabka Soomaaliyeed waxaana taas sabab u ah warar qaldan oo la faafiyay.Qaar ka mid ganacstada ayaa faafinaya warar been ah oo  ku saabsan canshuurta iyaga oo leh  shacabka ayaa baahi u dhimanaya.Taasi run ma ah maxaa yeelay canshuurta iibka cunada kuma jirto. Dowladda waa in ay ka jawaabi celisaa si isbarbardhig ah oo xaqiiiq ah iyada oo soo bandhigeysa inta ay canshuur ay ku bixiyaan wadamada dariska ah.Soo bandhigtaa waliba iyaga oo si muran la,aan u bixiya waxay ka yaabin doontaa shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa wax laga xumaado ah in kuwa ku noolaaday dibad yaqaana muhiimada canshuurta ay marin habaabinayaan shacabka oo ku dhiiri-galinayaan in aysan bixin canshuurta.Kuwa nuucaas ah waa in la magacdhabaa oo la sheegaa dowladaha kale oo ay aad uga baqaan.

Si guud arrintaan canshuur bixinta, waxaa jirta su’aal ay Soomaalida u baahantahay in ay is weydiiso oo ah side ayaan ugu noolaan karnaa canshuurta muwaadinka deeq wadamada deeq bixiyaasha uu dhiibo,inaga oo diideyna in aan  bixinta mustaqbalkeena wax dan u ah.Tanni waxay lidi ku tahay qaabka, hal abuurida ganacsi iyo akhlaaqda hawl karnimada ku larantahay oo lagu yaqaan Soomaalida caalamka oo idil.

SHARE