Muqdisho (UM) – Ummadda Media waxay ugu hambalyeyneysaa Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku guuleeystay in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya,kaddib markii uu shalay guul ka gaaray doorasho xiiso badneed oo aad loogu loolamay.
Guddoomiyaha cusub waxa uu badali doonaa Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo iska casilay xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, ka gadaal muran siyaasadeed qaraar oo dhexmaray guddoonka baarlamaanka oo dhinac ah iyo fulinta iyo xildhibaano taageersanaa oo dhinac kale ah bishii Abriil ee sanadkaan.
Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka waxa uu dhaxlayaa baarlamaan kala qaybsan oo maamul ahaana aad uga gaabiyay shaqadiisa.Mooshinkii kalsooni kala noqoshada guddoomiyihii ka horreeyay guddomiyaha hadda la doortay waxa uu sii fogeeyay xildhibaannada fara ku tiriska ah ee daacada ahaa, halka uu kalsooni iyo geesinimo galiyay xildhibannaada mooshinka ku guuleeystay,kuwaas oo hadda awood isbidaya rabana in ay dowladda ku cadaadiyaan mooshin haddii aysan fulin waxa ay rabaan.
Waxaa iyadana taas kasii daran aragtida xildhibaannada mucaaradka ay ka aaminsanyihiin guddoomiyaha cusub oo ah in uu yahay maqaarsaar ay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarahu doonayaan in ay ku fushadaan danahooda sharciyeed iyo danahooda kale ee baaxadda weyn.
Guddoomiye Mursal waa siyaasi waayo arag ah oo horrey u soo noqday safiirka Turkiga, intii uusan iska casilina ahaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.Waa xubin baarlamaanka oo laga soo doorto Koonfur Galbeed, waxaana uu ku guuleeystay tiro aqlabiyad ah doorashadii shalay.Hadda waa in guddoomiye Mursal uu u diyaar garoobaa xujo adag oo siyaasadeed ee abid soo marta noloshiisa maadaama uu ka shaqeeynayo meelaha ugu adag oo aan marnaba la saadaali karin sida wax noqonayaan.
Guddoomiye Jawaari waa in uu u noqdaa guddoomiyaha cusub cashir ku saabsan saaxiibtinimada siyaasadeed ee Soomaaliya. Ka hor muranka ku bilawday kala shakiga, saddexda masuul ee ugu sarreysa dowladda ee kala ah guddoomiyaha baarlamaanka , Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha waxaa ka dhaxeeyay saaxiibtinimo.Wax yar kaddib se isla qosolkii iyo qado sharafeedkii waxay isku badashay tartan adag oo siyaasadeed kaas oo dalacsiisay Guddoomiye Mursal, garaadihiina ka qaaday Guddoomiye Jawaari.
Hadda guddoomiyaha cusub waxa uu heystaa saddex sano oo uu taariikh uga tagi karo baarlamaanka inta aysan dhicin doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan.Waxa uu sidaas sameeyn karaa kaliya marka uu la yimaado xikmad dhexdhexaadnimo iyo caddaalad.
Kaalinta guddoomiyaha baarlamaanka waa in uu u maareeyo kalfadhiyada baarlamaanka si hawlkarnimo iyo caddaalad ku dheehantahay,hubiyo in xeerarka iyo sharciyada baarlamaanka ay ilaaliyaan dhammaan xildhibaannada,isla markaana uu baarlamaanka ku matalo golayaasha caalamiga iyo kuwa gudahaba.
Guddoomiyaha baarlamaanka waa halbowhla baarlamaanka iyo maamulaha guud. Waa adeegaha shacabka Soomaaliyeed iyo golaha shacabka. Isagu ma ahan golaha shacabka, jagadaasna uma hayo si ugu fuliyo dano gaar ah oo siyaaseed xitaa ha noqotee tan golaha fulinta.
Guddomiye Mursal waa nin dabeecad wanaagsan, oo isku haleyntiisu ay fiicantahay isla markaana si fiican fahmaya siyaasada Soomaaliya. Waa in uu u isticmaalaa waayo aragnimadiisa sidii uu si wanaagsan ugu gudan lahaa shaqadiisa.
Guddoomiyaha cusub waa in uu cidda kasta xiriir wanaagsan la yeeshaa oo uusan cidna cadaw ka dhigan si uu ugu guuleeysto fulinta ajandaha sharci dajinta looga golleeyahay in isbadal loogu horseedo dalka. Waa in aysan marnaba duufsan dhinacayada qaswadayaasha ee kala taagan labada dhinac ee siyaasadda isku diidan.
Haddii uu laheysto u noqdo dhinacyaadaas ha u diyaar garoobo waqti lumay,siyaasad kala qaybsanaan oo marka danbe horseeda in guddoomiyaha cusub uu xilkiisa waayo oo mid kale lagu badalo isaga oo aan dhameysan muddo xileedkiisa.
Soo dhawaaw mudane Guddoomiye, nasiib wacan ayaan ku rajaynaynaa.