Siyaasadda Shakhsiyadda ku dhisan waa in ay badashaa mid ku dhisan geedi socod siyaasadeed -UM

1537
R/Wasaare Kheyre iyo Guddoomiyihii iscasilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sawirka: Twitter

Muqdisho (UM) – Kuwa wali ku dheggan dhalanteedka dowladda Soomaaliya ayaa raba in dadka Soomaaliyeed u dabaaladgaan dhammaadka guuleed ee xasarad siyaasadeed  kale oo aan muhiim aheyn ,taas oo sabab u noqon rabtay fashil ku yimaada dhammaan guulihii siyaasadeed ee ay Soomaaliya gaartay sanadkii lasoo dhaafay.

Habeen hore,Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha iscasilay, laakiin aan la beddalin ayaa kulmay, wada qoslay oo xabadka isgaliyay, isla markaana muujiyay in ay iscafiyeen. Tani ma ahan kutirikuteentii hareeysay doodihii bilawgii mooshinka toddoobaadyadii lasoo dhaafay, ee waa mid la dhigay baraha bulshada sida twitter-ka  waxayna u badanathay in ay run tahay.

In dhinacyadii isdiidanaa markii uu mooshinku socday ay kulmeen muhiim ma ahan, maxaa yeelay kuwo waaba baaxeen, kuwa kalena waxay raadinayaan cidda ay ku bedalli lahaayeen Gudoomiyaha tagay. Waxa muhiimka ayaa ah in labada dhinacba aysan wax qoomamo ah ka muujineeyn xasaradii ay abuureen, taas oo waxyeelo u geeystay dhaqaalaha iyo nolosha dadka, Soomaaliyana ka dhigatay mid aan xasilooneeyn. Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha isacasilay waa ay wada qosli karaan oo heshiin karaan , laakiin waxyeeladii ay  u geeysteen dalka iyo dadka waa mid aan dhaqso looga soo kabaneeyn.

Muddo aad u fog siyaaasadda Soomaaliya waxay aheyd mid  ku dulwareegta shakhsiyad ama qof. Marnaba ma jirin hadal la xiriir geedis socod siyasadeed ama aragti kale ee waxaa jiray sheegsheega shakhsiyaad. Tani waxaa caddeyn u ah sida dadku ugu mashquulsanyihiin cidda noqon doonta Guddoomiyaha xigga. Ciddey doonaanba ha ahaadeene waa in aysan ka muhiimsaneeyn sharicga xukuma, haddii kale waxay u arkayaan in ay ka sarreeyaan sharciga.

Si dadka Soomaaliyeed looga badbaadiyo burburka iyo qabweynida siyaasiyiinta Soomalaiyeed oo ay ku jiraan baarlamaanka iyo fulintu, waa in la xoojiyaa hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya. Siyaasada Soomaaliya waa in ay noqotaa mid ku dhisan xeerar iyo sharciyo oo aysan noqon mid ku dhisan ina adeernimo , tolnimo ama dalacsiisa oo darajo siisa qaswadayaasha.

Maxkamaddii dastuuriga iyo dib u eegista ee ciyaari laheyd doorka isku dheelitiranka iyo isla xisaabtanka awooddaha sadaxda ah  ee dowladda ayaa gabi ahaanba maqan oo aan jirin. Taagdarrada fulinta iyo sharcidajinta waxaa si fiican u muujiyay mooshinkii ugu danbeynta ku dhamaaday iscasilaada Guddoomiyihii baarlamanka markii uu heshiis la galay fulinta sida Ummadda Media ay u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Villa Soomaaliya.

Cashirka laga bartay mooshinkaan ayaa ah in siyaasadda Soomaaliya aysan fadhin oo ay hoggaamiyaan kooxo danleey siyaasadeed ah oo u dagaallamaya xilal iyo saameyn siyaasadeed. Ma jirto cida ka fikiraysa danta waddanaka.

Sidaa darteed waa in danta dalka iyo dadka lagu hagaa hab siyaasadeed hufan oo cad oo aysan marnaba afduuban karin oo uusan jihada ka weecin karin muran yar oo ka dhaxeeya qaswadayaasha siyaasadeed .Dastuurka qabyo qoraalka ah ayay muuqatay waxtaryaridiisa intii uu socday mooshinka, sidaa darteed inta laga dhammeennayo waa in ay jiraan sharciyo kumeel gaar ah oo lagu ilaalinayo danta dalka, sharciyadaas oo hagi doona geedi socodka siyaasadeed.

Mustaqbalka dadka Soomaaliyeed iyo kan dalkaan soo kabanaaya uma heysan karaan afduub ahaan koox yar oo saaxiib ah oo ku jira khiyaali siyaasaded, si gooninaya iskugu koobay hal waddo oo Muqdisho ku taal. Dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxay u qalmaan wax dhaamma ama ka wanaagsan khalalaasahaan siyaasadeed.