Muqdisho ( UM) – In badan ayaa aad looga hadlay baaqashada madaxweyne Farmaajo uu ka baaqanayo shirka Guud ee Golaha Qaramada Midoobay ee New York-ka dhacaya toddobaadkaan. Taa badalkeeda waxa uu madaxweynuhu sida laga soo xigtay xaafiiskiisa ku nagaan doonaa Muqdisho, si uu xal ugu helo xasaradaha siyaasadeed oo khatar ku ah midnimada Soomaaliya. Madaxweynaha waxa ku matali doona golaha loo dhanyaahy wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad oo caalamka u gudbin doona farriinta maadxweyne Farmaajo.
Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waa madal madaxdu uga faa’iideystaan in ay kusoo bandhigaan horumarada ay waddamadoodu ku tillaabsaden iyo kaalinta dalalkoodu ay ka ciyaareen nabadeynta caalamka. Sidoo kale waaa Gole diblomaasiyadeed oo wadamada xaaladaha gaarka ah ku jira sida Soomaaliya ay uga waramaan waxa u qabsoomay dalalkooda iyo sida ay uga soo kabsanayaan dhibaatooyinkii gaaray, iyaga oo isla markaasna codsada taageerada beesha caalamka.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa isaga oo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ku matalayay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ka horjeediyay oraah caanbaxday oo tilmaameysay in Soomaaliya ay wali ku jirto soo kabsasho caalamkuna ay tahay in uu u qaato sidaa tahay,walina Soomaaliya waa sidaa. Shaki la,aan waa isla farriintaan midda uu gudbin doono wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaatay go`aanka ugu wanaagsan markii uu goostay in uu dalka joogo oo isku dayo in uu wax ka qabto siyaasadda aadka u murugsan ee Soomaaliya. Madaxweynuhu waa inuu xalliyaa khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, sidoo kalena waa in uu si dhaw ula socdaa mooshinka la filan karo in laga keeno Ra`iisul wasaarihiisa aan la jecleyn iyo dib u habeynta lagu saameeynayo waaxda ammaanka Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan gaaridda yoolka kala guurka oo ah in ciidanka Soomaaliya ay Amisom kaal wareegaan ammaanka dalka Soomaaliya.
Waxa koowaad ee kaaba siyaasadda arrimaha dibadda waa dowlad xoog leh oo kaa dambeysa, maadaama aysan taasi jirin waxaa habboon in shaqooyinkaan aan sidaa usii muhiimka aheyn loo daayo kuwa aan wax badan qaban sida wasiirka arrimaha dibadda oo kale.
Madaxweynuhu waxaa uu heli karaa oo kala hadli karaa horumarada iyo caqabadaha Soomaaliya wajaheyso safaaradaha iyo danjirayaasha kale ee ku kala yaal Nairobi iyo Muqdisho. Si taas la mid safaaradaha Soomaaliya ee daafaha caalamka ku kala yaal wallow aan si fiican loo agaasimin shaqaale ahaan oo ay aad u habsancyihiin haddana waxay awooddaan in ay ajandeyaasha Soomaaliya gaarsiiyaan daneeyaasha kala duwan ee Soomaaliya.
Waxaa intaas sii dheer Soomaaliya malahan maalkii iyo muruqii iyo saameyntii goboleed oo ay uga muuqan laheyd fagaarayaasha caalamka. Sidaa darteeed waxa kasta oo uu ka hor yiraahdo golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay noqon doontaa uun himilo iyo hiigsi danbe, laakiin ma noqon doonto wax durbadiiba la dareemo oo la dhaqangalin karo.
Wax kasta oo guul oo la gaaray oo laga sheego golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay waxa ay noqon doontaa guul ay gaartay Soomaaliya sida dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka, hagaajinta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo ka adkaashaha Al-shabaab.
Haddaba ma habboona in qofina uu waqti qiimo badan ku lumiyo ka fikiridda saameeynta ka dhalan karta maqnaashiyaha Madaxweynaha uu ka maqanyahay shirka Guud ee Golaha Qaramada Midoobay. Waxa ka badan oo ka muhiimsan tagista shirka kal fadhiga Guud ee Qaramaad Midoobay ayuu u qabanayaa dalka si uu wax uga qabto siyaasaddaan cakiran.