Siminaar ku saabsan maaraynta garsoorka oo lagu qabtay Muqdisho

857

 

Tababar ku saabsan maaraynta garsoorka ee arrimaha baddaha oo uu soo qaban qabiyay
Hawlgalka EUCAP Somalia ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho 26- 27da ee
bisha Agoosto.

29 garsoore Soomaali ah, oo ay ka midyahiin madaxda Maxkamaddaha ayaa ka qayb galay
munaasabadda oo ka dhacday xarunta Maxkamadda Sare ee Muqdisho.

Siminaarkaan oo ula jeedadiisu ahayd horumarinta awoodaha iyo xirfadda qaaliyayaasha Soomaaliyeed, maxkamaddaha, xeer ilaaliyaasha ayaa waxaa diiradda lagu saaray sare u qaadista qaab dhismeedyada, madax bannaanida, kormeerka iyo maaraynta nidaamka garsoorka.

Qaaliga ugu sareeya Maxkamadda Gobalka Banaadir iyo Ku xigeenka madaxa Hawlgalka EUCAP Somalia Keith Murray ayaa Wadajir u furay tababarka 26da Agoosto.
Mawducyada uu sharaxay Lataliyaha sharciga ee EUCAP Somalia, kaasi oo hogaaminayay
siminarka waxaa ka mid ahaa:-

Maaraynta tayaynta shaqada maxkamadaha, aalladaha
ilaktarooniga ah, madaxbannaanida iyo eex la’aanta, fikradaha sharciga ee xurka ah, sharciyadda caalamiga ah, maaraynta xirfadaha, takhasuska qaaliyasha iyo shaqaallaha hoos yimaada ee ku aadan sharciga badaha, casharo heer sare ah ee ku saabsan horumarinta garsoorka si waafaqsan heerka caalamiga ah iyo waxyaabaha aas aaska ah ee maaraynta dakhliga garsoorka.

EUCAP Somalia, waa Hawlgal rayid ah ee Midowga Yurub, wuxuna hoos yimadaa Xafiiska Siyaasadda Difaaca iyo Amniga Guud, wuxuna Hawlgalku ka caawiyaa Soomaaliya xoojinta awoodaheeda si loo xaqiijiyo ammaanka baddaha.

 

EUCAP Somalia
Press and Public Information Office
EU Capacity Building Mission in Somalia (EUCAP Somalia)
International Campus, Mogadishu International Airport,
Mogadishu, Somalia
Somalia’s mobile +252 612046204
Kenya’s mobile: +254 727106645
Email: Francesca.Marretta@eucap-som.eu
Web: www.eucap-som.eu
Facebook: https://www.facebook.com/eucapsom