Sii- hayaha xilka R/W oo xarigga ka jaray Machadka Daraasaadka Amniga

101

Muqdisho – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta xarigga ka jaray Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo ay maamuleyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Machadkan laga furay Muqdisho ayaa noqonaya xarunta looga sahmiyo amniga qaranka Soomaaliya iyo talobixinta iyo gorfeynta cilmiyeysan ee ku saabsan danaha arrimaha amniga la xiriira.

Dr. Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah xeeldheere bartay arrimaha culuumta amniga, shahaadada sare ee PhD ku diyaariyay Istiraatiijiyada Amniga Qaranka Soomaaliyeed, waqti dheerna ka soo shaqeeyay howlaha Amniga Qaranka ayaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Machadkaan.

“Waxaan maanta xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay. machadku Wuxuu qayb weyn ka qaadanayaa kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka” ayuu yiri Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed.

SHARE