Shuruudihii lagu sii daayay C/raxmaan Cabdishakuur (akhriso)

1300

Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo nuqul ka mid ah ay warbaahinta heshay ayaa lagu sheegay in damiin lagu sii daayay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo habeenkii Axada Ciidamada Dowladda Xabsi u taxaabeen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in sii deynta C/raxmaan C/shakuur ay timid ka dib markii ay damiinteen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Shuruudaha damaanada lagu sii daayay C/raxmaan C/shakuur ayaa ah.

. Inuusan C/raxmaan C/shakuur dalka ka bixi karin.

.Inuusan ka hadlin Saxaafada.

. Inuusan ka qeyb gelin karin isku soo baxyo nuuc kasta oo ay yihiin

. inuusan la xiriirin Markhaatiyada,Baarayaasha ogolaasho la’aan

. in marka looga yeero Xafiis kasta oo ay ka furan tahay dacwadiisa uu tago

. inuusan ka qeyb geli karin shirar iyo kulamo siyaasadeed

Saxiixayaasha damaanada ayaa waxay balan qaadeen iney si buuxda u damaanad qaadayaan in dhamaan sharuudahaasi ay fulin doonaan sida ay u qoran yihiina u dhowri doonaan,islamarkaana u hogaansami doonaan awaamiirta sharciga ah ee ku cad damaanada.

Dhanka Kale

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socota Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay laga sii daayay xabsigii uu ku jiray ee Maamo Khadiijo.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa hadda waxaa ka socota Maxkamadeynta C/raxmaan C/Shakuur waxayna maxkamaddeynta ku saabsan tahay xalaaleynta sii daysmada Siyaasigan, iyadoo loo marayo wado sharci ah.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad inay ku sugan yihiin xarunta Maxkamadda.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa 18-kii Bishan waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya, kadib markii ay weerar ku qaadeen hoygiisa Magaalada Muqdisho.