Shirweynaha Khaliijka iyo dalalka Carabta oo ka furmay Makkah

90

Waxaa maanta oo Khamiis ah magaalada Makkah Al Mukarama ka furmay shirkan socon doona sadex maalmood oo uu Boqorka Sacuudiga isugu yeeray hogaamiyayaasha dalalka Khaliijka iyo Jaamacada Carabta si ay uga tashadaan xiisada gobalka gaar ahaan dalka Iran.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka ka dhacaya magaalada barakeysan ee Makka, kaasoo uu iclaamiyay Boqorka Sacuudiga.

Wuxuu noqonayaa wafdigii ugu heerka sareeyay ee ka socda Qatar oo ka qeyb geli doona Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo shir kale oo gaar u ah Golaha Iskaashiga Khaliijka tan iyo markii uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyay Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa todobaadkan guddoomay warqad casuumaad ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Makkah.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaalada Gobolka iyo Islaamka, gaar ahaan Xiisada Sacuudiga iyo Iiraan, caqabadaha ka jira dalka Yemen iyo weerarada Kooxda Xuutiyiinta ku hayaan danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dowlada Qatar ayaa hadda waan waan ka dhex-wada Iran iyo Maraykanka oo isagu ka codsaday xulafadooda Qatar inay qaboojiyaan xiisada taagan, balse macada in Sacuudiga iyo Imaaraatiga ay ogolaan doonaan kalsoonida uu Maraykanka siiyey Qatar, waxayse tahay markii ugu horeysay oo uu wafdi heer sare ah oo ka socda Qatar tago wadanka Sacuudiga tan iyo intii xayiraada la saaray.

SHARE