Shir Wayne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxa uu ka dhacaya Xarunta Xalane ee u dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galayaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala socda Gudaha dalka iyo waliba dibaddiisa.
Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhalinyaro badan oo ka yimid qurbaha iyo gobolada dalka.
Qaar ka mid ah dhalinyarada soo gaartay Muqdisho ayaa Wasaaradda dhalinyarada waxa ay dajisay qaar ka mid ah hoteelada ku yaalla Muqdisho.
Shirka ayaa inta uu socda qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah siyaasada dhalinyarada ee dhawaan ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.
Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlaya sidii loo midayn lahaa dhalinyarada dalka.