Muqdisho (UM) – Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid shirkii uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasoo lagu waday in a isugu yimaadan madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Shirkan oo la iclaamiyay in uu furmo 17-bishan September oo maanta ku beegan ayaan muuqan saan saan uu ku furmo iyadoona ilaa iyo hada aysan wax war ah kasoo saarin qabsoomidiisa iyo baaqashadiisa madaxda dowlada dhexe .
Golaha ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada ayaa dhawaan war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay cabasho kaga muujiyeen ka qeybgalka shirka iyagoona dalbaday in goob aan Muqdisho aheyn in shirka lagu qabto, madaama ayay yiraahdeen ay u baqayaan amnigooda.
Sidoo kale Golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa qoraalka ay soo saareen waxa ay ku dalbadeen in la helo daraf saddexaad oo dhexdhexaadiya isla markaasna damaanad ka noqda iyaga iyo madaxda dowlada dhexe ee federaalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shalay khudbad ka jeedinayay aqalka dowlada Hoose ee Xamar ayaa si cad uga horyimid dalabka madaxda maamul goboleedyada ee ah in ajaaniib ay lug ku yeeshaan shirka isagoona intaa ku daray in dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed aysan raali ka ahayn in gacmo shisheeye ay ku dhex jiraan shirarka looga hadlayo aayaha ummadda Soomaaliyeed sida uu Ra’sulwassaare Kheyre hadalka u dhigay.
Lama oga halka uu ku biyo shuban doono khilaafka ka dhex aloosan madaxda dowlad dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada maadama qabsoomida shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ay ka baaqsadeen ka soo qeybgalkiisa madaxda dowlad goboleedyadda.