
Shirkii madaxda dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa si rasmi ah loosoo afgaray.
Maanta oo Jimco ah madaxwaynaha dalka Kuuriyada Koonfureed Mon Jei-in iyo Hogaamiyaha Waqooyiga dalka Kuuriya Kim Jong-un ayaa yeeshay Kulan taariikhi ah.
Kulanka waxaa uu ka dhacay Guriga Nabadda oo Ku dhex yaala Goobta Militariga ka caagan ee labada dal kala qaybiya.
Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa kasoo gudbaday diilinka kala qaybisa labada dal waxaana uu sidaasi Ku noqday hogaamiyihii ugu horeeyay oo Waqooyiga Kuuriya oo cagta saara ciidda dalka Kuuriyada Koonfureed tan iyo intii uu Dhammaaday dagaalkii lagu hoobtay ee labada Kuuriya kaasi oo Dhammaaday muddo Ku dhow 70 sano.
Labada hogaamiye ayaa labada galin ee maanta yeeshay labo shir oo kala duwan.
Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa waxaa weheliyay walaashiisa oo ah guddoomiye Ku xigeenka xisbiga Shuuciga ah ee dalkaasi ka taliya iyo mas’uul sare oo Xukuumaddiisa ka tirsan.
Madaxwaynaha dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa shirka Ku weheliyay wasiirada Difaaca, Arrimaha Dibadda iyo Midaynta labada Kuuriya.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray heshiis nabadeed oo labada hogaamiye ay saxiixeen kaasi oo soo afjaraya collaadda dhex taala labada dal.
Labada hogaamiye ayaa waxaa ay beereen geed ka turjumaya shirka taariikhiga ahaa ee reer kuuriya .
Geedka ayaa waxaa ay u beereen si wada jir ah ayadoo ciida geedka hoos looga shubay iyo biyaha lagu shubay geedka laga kala keenay labada dal.
Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ayaa geedka Ku shubay biyaha iyo ciida dalka Kuuriyada Koonfureed halka madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed uu sidoo kale geedka Ku waraabiyay biyo laga keenay Kuuriyada Waqooyi.
Wax yaabaha ugu waa wayn shirka laga soo saaray waxaa ka mid ah in labada Kuuriya xadka kala qaybiya ciidamada badan laga qaado, xadka la furo, waddo tareen laga hergaliyo labada dal dhexdooda, heeshiiska nabadeed ee ay saxiixeen iyo ayagoo sidoo kale Ku heshiiyay in gacanka Kuuriya laga dhigo goob ka caagan hubka wax gumaada ee Nukleerka.
Madaxda dalka Shiinaha, Russia iyo Maraykanka ayaa shirkan waxyaabaha kasoo baxay si wayn usoo dhoweeyay.
Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee hogaamiyaasha labada dal dhexmara muddo 11 sano ah ka dib.