Shirkii magaalada Bahr Dar ee Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo la soo gabagabeeyay

758

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritereeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Isaias Awerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 9-10 November, 2018 shir xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Waxa ay uga wadahadleen kulankooda isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika.

Madaxdu waxay dib u eegis ku sameeyeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal.

Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha ay si goonni ah iyo si wadajir ahba u waajahayaan.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale madaxdu bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya.

Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay.