Dhuusamareeb – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug lagu soo gabagabeeyay shir muddo laba maalin ah u socoday madaxda dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeedka qoddobada hoos ku qoran.
1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee dhinacyada Siyaasada, amniga iyo Horumarinta dhaqaalaha.
2. In Doorashadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/ 2021 ay ku dhacdo waqtigeedii aysan imaan wax muddo kordhin xileed ah.
3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo waqtigeedi ku dhacda sidaa darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomida doorashada dalku ay noqoto mid talladeeda loo dhan yahay nuuc ahaana ku dhici karta mudda xileedka harsan.
4. Shirku waxa uu ku baaqayaa in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha dowlad Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay shir watashi isagu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta Farsamo ee qabsoomida doorashada dalka ee 2020/2021.
4. Shirku waxa uu ku baaqayaa in shirka wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Ugu dambeyntii shirku waxa uu mahadcelinayaa beesha caalamka taageeradeeda ay la garab taagan tahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya.