Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo ka socda Teendhada Afisooyini

534

Muqdisho – Waxaa markale maanta dib u bilowday shirkii u socday Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka. Shirarkii hore ayaa waxaa uu ahaa shir horudhaca inkasta oo shirkaasi aysan ka soo bixin wax qoraal ah.

Shirkii ugu dambeeyay ayaa looga hadlay agendaha shirka iyo waxa inta aan shirka wayn la furin looga doodi lahaa. Shirka maanta ayaa la filayaa in dhinacyadu ku falanqeyn doonaan agendaha kama dambeysta ah iyo waxyaabaha looga doodi doono shirka wayn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir Guddoomiya iyadoo oo ay joogaan Ra’iisul Wasaare Rooble, dhammaan madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka.

Beesha Caalamka oo xalay qoraal soo saartay ayaa hogaamiyaasha Soomaali ku boorisay in ay heshiis ka gaaraan arrimaha Doorashooyinka ee is afaran waagu ka tagaan yahay ka hor Bisha barakaysan ee Ramadaan.