Shirkii madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamul gobaleedyada oo baaqday

653

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa oo maanta   Shir jaraa’iid Ku  qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dib u dhacay Shirkii maanta lagu waday in uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo dhax mari lahaa Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada.

Labadan dhinac ayaa  muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa u dhaxeeyay  Khilaaf aad u xoogan.

Shirkan ayaa horay waxaa ugu baaqay madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in shirka uu furmi doono maalinta berri, isla markaana maanta uu dib u dhac ku yimid.

“Shirka waxaa uu furmi doonaa maalinta berri, waxaa rajeyneynaa in kulanka uu noqdo mid wax ku ool ah oo la isku meel dhigo howlaha waa weyn ee Qaranka u yaallo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

SHARE