Muqdisho – Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo labo maalin ka socday magaalada Muqdisho. Shirkaan ayaa looga hadlayay arrimaha amniga, doorashooyinka Qaranka, dib u habaybta Maaliyadda, gargaarka , dib u heshiisiinta , barnaamijyada Xukuumadda iyo ahmiyadaha qariirada mustaqbalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo xiray shirka kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, wakiillo ka socda hey’ado caalami ah iyo in ka badan 50 dowladood.
Shirka oo dhammaadkiisii warmurtiyeed laga soo saaray ayaa intiisa badan looga hadlaya tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo caddaaladda, horumarka la gaaray iyo ka wada shaqeynta horumarinta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyada oo taageerada beesha caalamka lagu saleynayo tubaha qaranka.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shirka ka sheegay in wadashaqeynta madaxda dalka ay horseedday in horumar laga gaaro isbedelka, xasiloonida, dowladnimada iyo ajandaha dib-u-qaabeynta ee sida wadajirka ah ay u taageereen shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee caalamka.
Dhammaan mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay kulanka ayaa isku raacay in horumar ballaaran lagu tillaabsaday tan iyo markii la qabtay shirkii shirkaan ka horreeyay ee sannadkii 2018, waxaana la isku raacay in wadajir loo shaqeeyo si horumarka loo joogteeyo.
Saaxiibada caalamku oo qiray guulaha Soomaaliaya ay ku tilaabsatay,ayaa hoggaanka dalka ku ammaanay horumarka ay ka sameeyeen arrimaha dib-u-habeynta ee ay ka mid yihiin hagaajinta maamulka Maaliyadda dowladda, dakhliga, la tashiyada qorshaha cusub ee qaranka, dib-u-habeynta amniga, guulaha laga gaaray howl-galladda argagaxisada ka dhanka ah iyo sare u qaadidda adeegyada bulshada iyo dib-u-heshiisiinta.
Shirkaan oo wajigiisa 4aad lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaan ka soo qeybgalin dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo shirka qaadacay sababo ay ku sheegeen in aan si ramsi ah loogu casuumin.