Muqdisho: Waxaa la soo gabagabeeyay galabta shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka oo maanta magalaada Muqdisho uga furmay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya.
Shirkaan uu Guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay arrimo dhawr oo muhiim u ah Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Rooble oo shirka ugu horreyn furay ayaa uga mahadceliyey Saaxiibbada Caalamka Soomaaliya taageeradooda Soomaaliya iyo soo kale madaxda dowlad Goboleedyada in ay ka soo qeybgalaan.
Shirkaan oo hal maalin ahaa ayaa lagu fallanqeeyay arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020-2021, amniga iyo horumarka laga sameeyay dhaqaalaha.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo sidoo kale Wakiilada saaxiibbada Soomaaliya ayaa aad uga hadlay xal ka gaarida arrimaha Doorashooyinka oo uu buuq iyo muran badan ka taagan yahay. Saaxiibbada beesha caalamka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada in ay wadahadal iyo wadatashi ku xalliyaan cabashada k taagan arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan Guddiga dhawaan dowladdu dhistay ee hirgelinta Doorashooyinka dalka.
Waxaa ka qeybgalay shirkaan Madaxda dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya Danhire James Swan, Safiirada beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugan iyo wakiilo ka socday AMISOM iyo Hey’addaha Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.
Madaxda dowlad Goboleedyada iyo qaar ka mid Wakiilada beesha caalamka ayaa alaada Zoom-ka ee Internet-ka uga qeybgalay Shirka.
Shirka ayaa markii uu soo xirmay ayaa waxaa Warbaahinta si kooban shirka warbixin uga siiyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar oo sheegay in shirka diirada lagu saaray arrimaha Doorashooyinka, amniga iyo dhaqaalaha.
Safiirada Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK ayaa si adag uga hadlay arrimaha Doorashooyinka ee muran ka taagan yahay iyagoo sheegay in doorashu waqtigii loogu tala galay ay ku dhacdo sidoo kalena aan la aqbali karin Fowdo iyo isbarbar yaac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa lagu booriyay in ay shir isagu yimaadaan si ay xalka uga gaaraan cabashada iyo muran ka taagan Guddiga iyo arrimaha Doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo heshiiskii siyaasadeed ee Doorashooyinka ee Muqdisho lagu kala saxiixay 17 bishii Sebtember ee sanadkaan.